Manchester City oo guul ku gaartay gool uu madaxa ku dhaliyay daqiiqadahii ugu dambeeyay Sergio Aguero & Bristol oo guuldareysatay

0
552

Manchester City ayaa guul gaartay lugta hore wareega semi finalka tartanka Carabao Cup markii ay 2-1 kaga tilaabsatay kooxda Bristol, waxeyna ku qasbanaadeen jamaahiirta iney u dabaal dagaan guusha daqiiqadahii ugu dambeeyay kadib markii uu gool madaxa ku dhaliyay Sergio Aguero.

Guushaas waxey ka dhacday Etihad Stadium, waxaana mar kale la isugu tagi doonaa guriga Bristol lugta labaad ee semi finalka Carabao Cup, wiilasha Pep Guardiola ayaana ka miradhaliyay hamigoodii ahaa iney guul gaareen walow ay aad ugu rafaadeen iney wax badan shabaqa Bristol gaarsiiyaan.

Bristol ayaa qalqal galisay Manchester City markii ay gool kaga hormareen daqiiqadii 44-aad, wuxuu ahaa mid gool ku laad ah oo uu saxiixay Bobby Reid, balse qeybtii dambe ciyaarta waxaa durba barbaro keenay Kevin de Bruuyne oo daqiiqadii 55-aad shabaqa isna taabtay.

Pep Guardiola wuxuu 20-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay ciyaarta soo galiyay Sergio Aguero si awoodda weerarka loo kordhiyo, ugu dambeyntiina wuu ku faa’iiday madama uu isaga dhaliyay goolka guusha.

Waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ayuu Aguero madaxa ku dhaliyay gool dahabi ah, Sky Blue haatan waxey hal lug la gashay finalka tartanka Carano Cup oo ay semi finalkiisa sidoo kale joogaan Chelsea & Arsenal.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan