LAYAAB: Romelu Lukaku oo faal loo fiiriyey dartiis uga tagay kooxda Everton!!

0
758

Ninka saamiga ugu badan ku leh kooxda Everton ee Waddanka Ingiriiska Farhad Moshiri ayaa sheegay sheeko yaab leh oo ku saabsan qaabkii uu Weeraryahan Romelu Lukaku kaga tegay Everton.

Lukaku ayaa ku biiray Manchester United xilli ciyaareedkan kaddib markii ay ku qaadatay 75 Milyan oo Giniga Istarliinka ah, waxaana xilligaasi Lukaku uu diiday inuu ku biiro kooxda Chelsea oo uu horey ugu soo ciyaaray.

Lukaku ayaa intii uusan ka dhaqaaqin garoonka Goodison Park waxa uu ku gacan seyray heshiis qiimo lahaa oo ay u soo bandhigtay Everton, kaasoo Isbuucii uu ku qaadan lahaa 140,000 Giniga Istarliinka ah.

Farhad waxa uu xusay in Lukaku ka tagistiisii kooxda Everton ay timid kaddib markii hooyadiis faal ay u fiirisay ugu sheegtay inay tahay inuu ka tago Everton aadana dhinaca kooxda Chelsea.

Ninkan u dhashay Iran ee Bilyuneerka ah ayaa intaa ku daray inuu labo xilli ciyaareed oo uu suuqa kala iibsiga furnaa ku qal qaalinayay Lukaku inuu sii joogo Everton.

“Lukaku ayaa waxaa soo wacday Hooyadiis oo Afrika joogtay waxayna u sheegtay in ay Faal ku aragtay ama uga soo baxay inuu Chelsea ku laabto, hase yeeshee Lukaku oo ku sugan Los Angeles ayaa isla markiiba qaatay go’aan kale oo ahaa inuu ku biiray kooxda Manchester United.” ayuu yiri Farhad.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan