RASMI: Mohamed Salah abaal-marin bille ah uga adkaaday Xiddigaha De Bruyne, Kane iyo Coutinho

0
933

Weeraryahanka kooxda Liverpool Mohamed Salah ee qaab ciyaareedka wanaagsan ku jira ayaa waxaa loo magacaabay abaal-marinta PFA Player of the Month kaddib markii uu si heer sarre ah u ciyaaray bishii la soo dhaafay ee December.

Kaddib markii uu Mohamed Salah bishii la soo dhaafay goolal wax ku ool ah u dhaliyey kooxdiisa Liverpool, waxa uu ku guuleystay abaal-marinta laacibka bisha ee taageerayaasha horyaalka Ingiriiska.

Xiddiga xulka qaranka Masar ayaa waxa uu abaal-marinta ku garaacay xiddigo ay ka mid yihiin Philippe Coutinho, Kevin de Bruyne iyo Harry Kane.

Salah oo 25 jir ah ayaa helay wuxuu helay boqolkiiba 50 codadkii la bixiyey ee ay dhiibteen Taageerayaasha horyaalka Ingiriiska.

Waxa uu Salah bishii la soo dhaafay shan gool u dhaliyey Reds isagoo caawiyey 3 gool, 7 kulan oo uu u saftay kooxdiisa bishii December.

Sidaas waxa uu abaal-marintan ku hantay Mohamed Salah bishii labaad oo xiriir ah kaddib markii uu abaal-marintan horay ugu guuleystay bishii November.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan