Imisa lacag ah ayaa Inter Milan ka heshay heshiiskii waalida ahaa Coutinho ku aaday Barcelona

0
1177

 

Naadiga Liverpool waxay kubad sameeyaheedii Brazilian-ka ahaa Phillippe Coutinho dhaafsatay aduun lacageed oo gaarayo €160-milyan.

Shabakada Calcio Mercato ayaa sheegtay in kooxda Inter Milan ee Serie A-da Talyaaniga cayaarto in qadar lacag ah kasoo gaartay qiimahii Coutinho Barcelona ku iibsatay.

Waxaa la xaqiijiyay in Inter dhigeeda Liverpool ka heshay €2.5-milyan waxayna ku helen xaqa ah inay Coutinho soo bar baariyeen sidoo kalena asigoo aan qaarin ay qaarada Yurub keeneyn.

Inter Milan sanadii 2013 ayay £8.5m Coutinho dhaafsatay kuna wareejisay Liverpool xidigaan asigoo aad u dhalin yaraa sidoo kalena aan wax weyn laga fileyn.

Sidaa darteed Inter Milan la yaab ayay ku noqotay in 5-sano kadib Liverpool xidigaan ku iibsatay €160-milyan waana 25-jir wax badan laga filanaayo inuu Barcelona kusoo kordhiyo maqaam sarena kubada cagta ka gaaro.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan