Antoine Griezmann oo shuruud adag ku xiray Manchester United si uu uga doorto Barcelona

0
1299

Antoine Griezmann ayaa wuxuu sharad uga dhigay maamulka kooxda Manchester United inay mushaar ahaan u siiyaan 400 kun oo ginni, si uu dhabarka u xijiyo Barcelona isla markaana uu ugu soo biiro Old Trafford, sida laga soo xigtay majaladda The Sun.

Superstar-ka u dhashay Faransiiska ayaa waxaa si daran u raadinaya tababaraha Man United Jose Mourinho, kaasoo u diyaarsaday dalab 89 milyan oo ginni ah wuxuuna doonayaa inuu soo qaato xagaaga soo aadan.

Antoine Griezmann ayaa la fahamsan yahay inuu doonayey inuu ku biiro Red Devils sannadkii lasoo dhaafay, laakiin Barcelona xiisaha ay u qabto ayaa maankiisa bedelay.

Man United ayaa waxaa haatan loo sheegay in Griezmann uu doonayo inay sarre u qaado dalabkeeda mushaarka ee ay usoo bandhigtay kaasoo ah 290 kun oo ginni Isbuucii, wuxuuna Griezmann doonayaa 400 kun oo ginni Isbuucii si uu ugu soo biiro Man Utd.

Si kastaba ha ahaatee, Atletico Madrid ayaa ballan qaaday in aysan xiddigeeda iibin doonin inta lagu jiro bishaan Jannaayo, sidaas darteed Man Utd waa inay sugto laacibka Faransiiska ah illaa xagaaga soo aadan.

26 sanno jirkaan ayaa kooxda ka dhisan caasimadda Madrid uga soo biiray Real Sociedad sannadkii 2014kii markaasoo ay kusoo qaadatay 24 milyan oo ginni.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan