Juventus oo qarka u saaran iney heshiis hordhac ah la gaarto mid ka mid ah xidigaha ugu fiican Premier League.

0
1250

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa aad ugu dhaw iney si rasmi ah heshiis hordhac ah ula gaarto xidiga khadka dhexe kooxda Liverpool Emre Can sida ay kusoo waramayaan warbixino ka imaanaya gudaha Ingiriiska.

Emre Can oo ka mid ah xidigaha ugu tayada fiican Reds ayaa iska diiday inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa, kaliya 6-bilood ayaana kaga hartay inuu heshiiskiisa dhaco, sidoo kalana wuxuu fursad u heystaa inuu kooxd walba la heshiin karo oo ka dhisan meel ka baxsan Ingiriiska.

Sky Italia ayaa shaacisay in xidigaan uu xagaaga soo aadan si xor ah ku imaan doono Turin, balse haatan wax walba ay dhaw yahiin isla markaana uu xidigaan saxiixi doono heshiis shan sanadood ah.

Labada dhinac waxey ku jiraan wadahadalo maraya meelahii ugu dambeeyay, sidaas darteed afar sano oo heshiis ah iyo sanad dooq ah ayaa lagu isku afgartay, waxaana la sugi doonaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo.

Juventus waxey dooneysaa iney wax walba soo afjarto bishaan january, si kooxaha kale ee xidigaan doonaya aysan fursad u helin.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan