RASMI: Liiska siddeeda xiddig ee u sharraxan abaal-marinta Ciyaaryahanka Bisha December EPL oo la soo saaray & Harry Kane oo hoggaaminaya

0
564

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Tottenham Hotspur ee Harry Kane ayaa hoggaaminaya siddeeda laacib ee u sharraxan abaal-marinta ciyaaryahanka ugu fiican bisha December ee Premier League.

Xiddiga xulka qaranka England ayaa noqday laacibka ugu goolasha badan sanadkii 2017, isagoo dhaliyey siddeed gool bishii ugu dambeysay sanadka oo ay ku jiraan labo saddexleey oo xiriir ah oo uu ka kala dhaliyey Kooxaha Burnley iyo Southampton.

Labada ciyaaryahan ee kooxda Liverpool Roberto Firmino iyo Mohamed Salah oo ka qeyb qaatay guuldarro la’aantii Reds ee bisha December, halka Jesse Lingard oo waqti wacan ku qaatay bishii la soo dhaafay kooxda Manchester United uu ku jiro musharraxiinta.

Sidoo kale waxaa musharraxiinta ku jira Weeraryahanka West Ham United ee Marko Arnautovic iyo Riyad Mahrez oo bandhig cajiib ah ku soo bandhigay Leicester City.

Xiddiga garabka midig ee Chelsea Marcos Alonso iyo difaaca dhexe ee Manchester City Nicolas Otamendi ayaa dhammaystiray siddeeda xiddig ee u sharraxan abaal-marinta laacibka bisha ee Premier League.

Laacibka ku guuleysta abaal-marintan ayaa lagu dhawaaqi doonaa 12 bisha Janaayo oo ku beegan Jimcaha soo aaddan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan