HT – Liverpool oo gool rigoore ah ku hogaamineysa kulanka ay la ciyaareyso Everton ee ka tirsan FA Cup-ka

0
605

Liverpool ayaa hogaanka u heysa kulanka Merseyside Derby ee ka tirsan wareega 3-aad ee FA Cup, waaxeyna kaliya hogaanka ku qabteen gool rigoore ah oo uu si habsami leh u dhameystiray James Milner.

labada kooxood waxey ku bilowdeen kulanka si xamaasad leh iyadoo mid walba uu ugu yaraan ku dadaalay sidii uu hogaanka u qaban lahaa, meeshana kama marneyn inuu kulanka ahaa mid kulul oo xidigaha qaarkood ay awood isku adeegsanayeen.

Robert Madley ayaa rigoore ku abaalmariyay Liverpool markii dhulka la dhigay Adam Lallana, wxaana rigoorada si qurux badan u dhameystiray James Milner daqiiqadii 35-aad.

Dhamaadkii qeybta hore ciyaarta is qab-qabsi ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn goolka Everton markii wiilka yar ee Holgate uu si kas ah taageerayaasha ugu dhex tuuray Roberto Firmino – taasoo keentay inuu caroodo xidiga reer Brazil.

Si kastaba xaaladda waa la dajiyay, labada kooxoodna waxey ku kala nasteen 1-0, oo ay ku hogaamineyso kooxda martida loo yahhay ee Liverpool.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan