Laba ka mid ah shirkadaha ugu dakhliga badan adduunka oo kusoo biiray loolanka loogu jiro xuquuqda baahinta ciyaaraha EPL

0
763

Shirkadda Mareykanka ah ee Amazon ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadallo la yeelatay maamulka horyaalka England Premier League, wuxuuna ujeedka wadahadalladaani ahaa inay qaataan xuquuqda baahinta ciyaaraha EPL ee gudaha UK.

Bisha soo aadan ee Febraayo ayaa la iibin doonaa xuquuqda ciyaaraha Premier League ee gudaha UK.

Suuqa online-ka wax looga iibsado ee Amazon ayaana laga yaabaa inuu tartan xoogan la galo taleefashinnada Sky Sports iyo BT Sport iyagoo kula tartamaya xuquuqda baahinta ciyaaraha heerka koowaad ee horyaalka Ingiriiska.

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Telegraph, Amazon ayaa xiisaheeda usoo bandhigtay maamulka horyaalka EPL, balse maamulka kooxdaan ayaa diidan inay warbaahinta u xaqiijiyaan haddii uu warkaani xaqiiq yahay.

Balse warbixintaan ayaa sheegeysa inay Amazon khubaro heer sarre ah adeegsatay si ay u hesho xuquuqda baahinta tooska ah ee horyaalka Premier League.

Amazon waa mid ka mid ah shirkadaha ugu dhakhliga badan caalamka waxaana sannadkii soo gala adduun dhan 100 bilyan oo ginni. Sidaas darteed awoodda dhaqaale ayaa laga yaabaa inay ku garaacdo Sky Sports iyo BT Sport.

Maamulka EPL ayaa iibin doona xuquuqda baahinta tooska ah ee ciyaaraha Ingriiiska laga bilaabo xilli ciyaareedka 2019 illaa 2020ka. Waxaana la filayaa in la iibiyo xuquuqda 200 kulan, oo loo qeybin doono shan guruub oo min 32 kulan ah iyo laba guruub oo min 20 ciyaar ah.

Mana jiri doonto shirkad loo ogolaan doono inay yeelato xuquuqda wax ka badan 148 kulan xilli ciyaareedkii… Waqti xaadirkaan taleefashinka Sky Sports ayaa baahiya ciyaaraha ugu badan ee EPL, laakiin tartan ayuu la kulmi doonaa sannadaha soo aadan.

Shirkadda Amazon ayaa waxay haatan leedahay xuquuqda ciyaaraha Tennis-ka ee loo yaqaanno ATP tour tennis waxayna baahintooda uga adkaatay Sky Sports bishii August ee sannadkii tegay.

Markii ugu dambeysay xuquuqda baahinta ciyaaraha Premier League ayaa waxaa lagu iibiyey 5.14 bilyan oo ginni, iyadoo Sky Sports ay bixisay inta badan lacagtaas waxaana ay ciyaaraha ku iibsatay 4.2 bilyan oo ginni.

Balse warar xan ah ayaa waxay sheegayaan in shirkadda Facebook ay sidoo kale dooneyso inay iibsato xuquuqda baahinta tooska ah ee ciyaaraha horyaalka ugu xiisaha iyo xamaasadda badan adduunka.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan