Kooxda Real Madrid oo iska lumisay fursad dahabi ah oo ay Philippe Coutinho kula soo saxiixan kartay qiimo aad u jaban!

0
608

Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa iska khasaarisay fursad dahabi ah oo ay kula soo saxiixan kartay Philippe Coutinho qiimo lacageed aad u jaban oo ah 2.2 milyan oo gini sanadkii 2008.

Xiddiga xulka qaranka Brazil ee Philippe Coutinho oo ka tirsan Liverpool ayaa iminta la soo sheegayaa inuu qarka u saaran yahay inuu xirto maaliyadda kooxda Barcelona, isagoo ugu dhaqaaqaya 134 milyan oo gini.

Jariiradda Marca ee ka soo baxda Spain ayaa warinaysa in Vasco da Gama kooxda Real Madrid ay go’aansatay inaysan Coutinho kala soo saxiixan naadiga, bedelkiisana waxa ayna u weecdeen laacibka khadka dhexe ee kooxda Rio Ave ee Alipio.

Waxa ay tahay nasiib darrada jirta in inta badan dadka sida cad ma aysan maqlin magaca Alipio wixii markaas ka dambeeyey, wuxuuna ka soo muuqday kooxda Serie B iyo C ee garoonka Bernabeu ka hor inta aan la iibin.

25-sano jirkaan waxaa laga soo diray naadiga Vila Nova ee dalka Brazil.

Kooxda reer Talyaani ee Inter Milan ayaa ka faa’iideysatay qaladkii ay ku kacday Real Madrid isla markaana 2.2 milyan ku soo iibsatay Coutinho oo wixii intaa ka dambeeyayna sheekada waa taariikhdaad arkeyso iyo waqtiga wacan uu ku jiro kubad qaabeeyaha naadiga Liverpool.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan