Jurgen Klopp oo ka hadlay haddii Coutinho iyo Salah ay taam u yihiin kulanka Everton – Muxuuse ka yiri wararka Coutinho la xiriirinaya Kooxda Barca?

0
903

Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in xiddigaha Philippe Coutinho iyo Mohamed Salah ay dhaawac ku seegi doonaan kulanka wareegga saddexaad ee FA Cup oo ay la leeyihiin Everton.

Labadan ciyaaryahan ayaa ka maqnaa kulankii maalintii sanadka cusub ay Reds guusha ka gaartay Burnley, waxayna ahayd inay ka soo muuqdaan kulanka habeen dambe ee Jimce ah ka dhacaya garoonka Anfield ee Merseyside derby.

Laakiin macallin Reds ee Klopp ayaa shaaca ka qaaday in labadiisan xiddig ay ka maqnaan doonaan kulankaas, laakiin difaaca ugu qaalisankubadda cagta ee Virgil van Dijk, kaasoo ay kula soo wareegeen 75 milyan oo gini la filayo inuu safto kulankiisii ugu horreeyey.

Isagoo suxufiyiinta kula hadlayey shirkii jaraa’id eek a horreeyey kulankaas macallin Klopp ayaa yiri:”Mo iyo Phil diyaar ma’ahan oo lama heli karo, Virgil si cad ayuu u caafimaad qabaa, waxaan arki doonaa waxa aan isaga ku sameyno.”

Dhinaca kale markii wax laga weydiiyey in maqnaansha Coutinho ay la xiriirto xiisaha kaga imaanaya kooxda Barcelona, oo heshiiska xiddigan uu ku aadayo Spain uu gabagabo ku dhow yahay tababare Klopp ayaa diiday inuu wax hadal ah ka yiraahdo arrintaas.

Klopp ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Loris Karius uu goolka ka bedeli doono Simon Mignolet, halka Dominic Solanke ay u badantahay inuu ku soo bilowdo kulankaas.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan