RUN MISE RIYO: Emmanuel Adebayor oo shaaciyey inuusan weli ka quusan ku guuleysiga Ballon d’Or!

0
492

Ciyaaryahan Emmanuel Adebayor  ayaa shaaca ka qaaday inuu ku riyoonayo inuu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or ee laacibka ugu fiican Adduunka.

Laacibkii hore ee Kooxaha Arsenal, Manchester City, Real Madrid iyo Tottenham ee Emmanuel Adebayor ayaa shaaca ka qaaday inuusan weli ka quusan ku guuleysiga xiddiga ugu fiican kubbada cagta Adduunka.

Xiddiga reer Togo ayaa la ogyahay in koobka kaliya ee wayn uu qaaday waayihiisa ciyaareed uu ku hantay garoonka Santiago Bernabeu kolkaa uu ku joogay lix bilood oo amaah ah, wuxuuna ku guuleystay Copa del Rey.

Laakiin hadda waxa uu qabaa rajada ah inuu qaado horyaalkiisii ugu horreeyay maadaama ay naadigiisa Istanbul Basaksehir ay ku fadhiso hoggaanka horyaalka Turkiga, waxaana uu xusay Emmanuel Adebayor inuu rajo ka qabo haatan ku guuleysiga Ballon d’Or.

Waxa uu Adebayor ka shalleynayaa waayihiisa ciyaareed, balse meesha kama uusan saarin riyadiisa inuu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or.

“Waxaan ku riyooday inaan u ciyaaro Arsenal iyo Real Madrid, riyooyinkaasna waa rumoobeen, waxaa laga yaabaa inaan iminka ku riyoon karo ku guuleysiga Ballon d’Or, sidoo kalena riyadaasi way rumoobi kartaa.” Adebayor ayaa sidaa u sheegay Hurriyet.

“Dhabtii kuma faraxsani waayaheyga ciyaareed, laakiin sidoo kale kama caban karo, weli waan noolahay sidaa darteed waan sii riyoon karaa.” ayuu hadalkiisa ku daray.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan