ANTONIO CONTE: Sanchez & Vidal Waa Labo Ka Mid Ah Ciyaartoyda Ugu Fiican Adduunka – Miyayse Kujiran Qorshihiisa Suuqa?

0
898

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa amaanay Alexis Sanchez iyo Arturo Vidal, laakiin wuxuu sheegay in go’aanka kama dambeysta ah ee saxiixa labadaas ciyaartooy uusan kujirin gacmihiisa.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich Vidal ayaa kala soo shaqeeyay tababare Conte kooxda Juventus, halka Sanchez uu ka mid yahay ciyaartoyda lala xiriirinayay muddo kooxda Chelsea.

Inkastoo Conte uusan cadeyn inuu lasoo wareegayo ciyaartoyda reer Chile, haddana tababaraha Talyaaniga ayaa ku ammaanay labada ciyaaryahan in ay ka mid yihiin xiddigaha ugu fiican adduunka.

“Ma jecli inaan ka hadlo ciyaartoyda kooxaha kale, laakiin waxaan ka hadlayaa labo ciyaaryahan oo waa weyn oo xoog leh, waana ciyaartoyda ugu sareysa doorkooda.

“Vidal waa mid ka mid ah xiddigaha adduunka ugu fiican, si lamid ah Sanchez waa mid kamid ah weeraryahanada ugu fiican dunida” ayuu yiri tababare Conte.

Conte kooxdiisa oo ku jirto kaalinta 3aad ee Premier League waxay caawa usafreysaa Arsenal oo fadhida booska lixaad ee kala sareynta horyaalka Ingiriiska.

Dhinaca kale Conte oo 48 jir ah ayaa sheegay inuu kula taliyay madaxda kooxda Chelsea in ay ciyaartooy waaweyn lasoo wareegaan suuqa xagaagan.

“Haddii kooxdu i waydiiso qaar ka mid ah magacyada aan u baahanahay waan sharxi doonaa, laakiin markasta waxay ku xiran tahay miisaaniyada mamaulka kooxda” ayuu hadalkiisa ku daray macalinka Chelsea Antonio Conte.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan