Waa maxay falka uu Radja Nainggolan kooxdiisa Roma ka raali galinaayo

0
769

 

Cayaaryahan Radja Nainggolan ayaa kooxdiisa AS Roma iyo taageerayaasheeda ka raali galiyay fal uu sameeyay bilawgi sanadkaan cusbaa.

Radja Nainggolan ayaa bartiisa Instagram-ka soo galiyay Video aad loola yaaban oo ahaa asigoo qamri cabsan sidoo kalena sigaar cabaayo bartanka kaga jiro caweyska soo dhaweynta habeenkii sanadka 2018 cusbaa!

Radja Nainggolan fool xumadiisa maba uusan qarsan asigoo sigaarkiisa shidanaayo sidoo kalena bakeeri qamri ah gacanta ku hoosto ayuu baraha bulshada ku faafiyay laakin dib ayu siweyn kaga qooma meeyay wixii uu sameeyay.

Radja Nainggolan markii uu tababarka AS Roma kusoo laabtay Isniintii saaxiibadiisa wajiga ayuu siin waayay wuxuuna ogaaday fal aad u xun inuu sameeyay.

Sidaa darteed xidigaan ayaa raali galin rasmi ah siiyay qof walbo oo magaca Roma dugaashato wuxuuna sheegay inuu is ceebsaday mardambena qaladkaas oo kale dib dambe u sameyn doonin.

Shabakada Roma ayaa Radja Nainggolan u dooratay laacibka labaad ee ugu wanaagsanaa kooxdan 2017 kaliya Eden Dzeko ayaa ka cod badiyay laakiin taageerayaasha Roma ayaa sheegeen inay ka xun yihiin shaqsi aan astaan u noqon karin Roma inay doorteen!

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan