Giorgio Chiellini fursad uu macalinkiisii hore kula midoobi lahaa ayaa dhaaftay

0
400

 

Daafaca waaya araga ah Giorgio Chiellini ee ka tirsan naadiga Juventus ayaa iska diiday fursad uu macalinkiisii hore Antonio Conte kula midoobi lahaa.

Giorgio Chiellini oo 33-jir ah wuxuu doonayaa inuu waayihiisa cayaareed magaalada Turin kusoo idleeyo halka macalin Conte uu rabo inuu bisha Janaayo London geeyo.

Macalin Conte wuxuu yiri “Waxaan u maleynaa in Giorgio ayuu doonayo waayihiisa cayaareed Juve ku dhameesto marba hadii uu diiday inuu dib iila midoobo”

Giorgio Chiellini ayaa xulka Italy u saftay 96-kulan balse bishii November ayuu cayaaraha caalamiga ah isaga fariistay kadib markii Azzuri koob aduun isaga hareen.

Daafacan lugta bidix ku cayaaro sanadii 2005 ayuu Juve kusoo biiray wixii markaas ka dambeeyana meel kale kama aadin, asigoo koobab aad u fara badan kula guuleestay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan