FOOTBALL WHISPERS: 10 xiddig oo heshiiskoodu dhammeystir ku dhow yahay caawa —  3 ka mid ah ayaana u ciyaara Liverpool!

0
2527

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub ee bisha Jannaayo 2018ka ayaa wuxuu furmay shalay oo Isniin aheyd.

Sidaas darteed, markale waxaa soo laabtay barnaamijkii nuxnuxleynta suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo heshiisyada dhammeystirka ku dhow.

Taleefashinka Sky Sports ayaa wuxuu maalintii seddax jeer barnaamijkaan ka kaashadaan shabakadda Football Whispers, kuwaasoo soo bandhiga qiimeynta 10ka ciyaaryahan ee heshiisyadoodu ay ku dhow yihiin in la dhammeystiro.

Football Whispers ayaa waxay adeegsataa dhibco si loo helo kala sarreynta dhabta ah ee 10kaas ciyaaryahan, iyadoo heshiis walba uu ku dhammeystirmo shan dhibcood (Five Stars).

Waxaa la yaab leh inay caawa liiskaan seddax ciyaaryahan ku leedahay kooxda kubadda cagta ee Liverpool waana xiddigo dhammaantood qarka u saaran inay ka tagaan naadiga ka dhisan Anfield Road.

Philippe Coutinho ayaa heysta qiimeynta ugu sarreysa, iyadoo heshiiska uu Barcelona kula biirayo uu helay 4 dhibcood, wuxuuna qiimeyntaan guud kaga jiraa kaalinta 6aad.

Emre Can  oo kusii jeeda Juventus ayaa qiimeynta dhammeystirka heshiiskiisa lagu sheegay 3.8 dhibcood, wuxuuna ku jiraa kaalinta 9aad. Danny Ings ayaa kusoo xigga oo 3.7 dhibcood lagu qiimeeyey dhammeystirka heshiiskiisa wuxuuna ku wajahan yahay West Ham United.

Si kastaba ha ahaatee, qiimeyntaan waxaa hogaaminaya Leon Goretzka kaasoo xagaaga soo aadan beeca xorta ah kula biiri doona kooxda Bayern Munich, xiddiga Schalke 04 ayaana heshiiskiisu heystaa qiimeyn 4.5 dhibcood ah.

Sawirkaan hoose kaga bogo wixii dheeraad ah.

FOOTBALL WHISPERS ayaa soo bandhigtay qiimeyntaan 6pm xilliga Soomaaliya
SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan