CRISTIANO RONALDO: “Ma aheyn wax aan filayey inaan sawirkaan maalin uun geli doono”

0
7168

Cristiano Ronaldo ayaa adduunka hal sawir ugu soo bandhigay guud ahaan 15 abaalmarin oo waa weyn oo uu ku guuleystay intii lagu jiray xirfaddiisa kubadda cagta.

Cristiano Ronaldo ayaa sannadkii lasoo dhaafay 2017ka wuxuu ku guuleystay abaalmarintiisii 5aad ee Ballon d’Or, sidaas darteed dhammaan abaalmarinnada uu heysto ayuu hal sawir ku galay.

Sidaas darteed xiddiga kooxda Real Madrid ayaa waxaa uu daaha ka qaaday in sawirkaani uusan aheyn mid uu noloshiisaba rajeynayey, waxaana sawirkaan kasoo muuqday afar abaalmarin oo Ballon d’Or ah, afar Golden Shoes, laba abaalmarin oo FIFA The Best awards ah, abaalmarinta FIFA World Player iyo abaalmarinnadiisii Best UEFA Champions League Player.

 “Markii aan ku ciyaari jiray waddooyinka Madeira (Magaalada uu ku dhashay), inaan gaaro heerka ugu sarreysa ee kubadda cagta waan ku rajo weynaa, balse in sawirkaan maalin uun la iga qaadi doono kuma riyoon jirin,” Ronaldo ayaa sidaas ku yiri farriin uu soo dhigay Instagram-ka.

 “Waxaan waqtigaan quruxda badan u hibeynayaa qoyskeyga, asxaabteyda, ciyaartoyda aan isku kooxda nahay, tababareyaashii aan wax kasoo bartay iyo dhammaan dadkii igala shaqeeyey kooxaha aan usoo ciyaaray iyo xulka qaranka Portugal.

“Ugu dambeyntiina, waxaan u mahadcelinayaa taageereyaasheyda, koobabkaan adinka ayaa iska leh taageereyaasheydoow.”

Ronaldo ayaa Madxaf gaar ah ka furtay magaalada Madeira halkaasoo ay dadku soo booqdaan kuna arki karaan abaalmarinnada iyo koobabka uu ku guuleystay maadaama uu guri uga dhigay.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan