Tababaraha Man United Jose Mourinho Oo Fariin Badbaado Ah U Diray Weeraryahanka Reer France Antoine Griezmann

0
993

Jose Mourinho ayaa qarka u saaran inuu dalab u diro Antoine Griezmann si uu ugu xaliyo dhibaatada kooxdiisa heysata xilli ciyaareedkaan.

Mourinho ayaa ku booriyay madaxda United in ay bixiyaan qiimaha lacagta lagu burburin karo qandaraaska weeraryahanka France oo ah 86 milyan oo ginni.

Jose Mourinho ayaa doonayay Griezmann xagaagii lasoo dhaafay ka hor inta ciyaaryahanka uusan go’aansan sii joogista Spain, laakiin wuxuu diyaar u yahay inuu mar kale isku dayo saxiixiisa.

Manchester United ayaa haatan wajaheysa xaalad xun oo dhanka weerarka ah kadib markii ay dhaawacmeen labada xiddig ee Romelu Lukaku iyo Zlatan Ibrahimovic.

Mourinho ayaa shaaca ka qaaday jimcihii in United ay isku diyaarineyso saxiixa hal ciyaaryahan oo weyn xagaagan si uu u caawiyo kooxdiisa.

Barcelona ayaa sidoo kale dooneysa Griezmann, inkastoo Atletico aysan diyaar u aheyn in ay ka iibiso ciyaaryahanka kooxda ay ku xifaaltamaan La Liga.

Dhibaatooyinka Mourinho ayaa sidookale kordhay kadib markii Ashley Young seddex kulan oo ganaax ah la saaray.

Daafaca garabka bidix ayaa lagu helay dambi ah inuu xusul ku dhuftay Dusan Tadic kulankii barbaraha gool la’aanta ku dhamaatay ee Southampton.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan