Macalin Antonio Conte oo mudo kadib amaan kala dul dhacay Deigo Costa

0
1322

 

Deigo Costa maanta si rasmi ah asigoo maaliyada Atletico Madrid asigoo xiran ayaa loo soo bandhigay kadib markii 4-bilood uu sugaayay arinkaan.

Macalin Antonio Conte oo ay xumaan ku kala tageen Diego Costa xagaagii dhawaa ayaa markii ugu horeesay Costa amaanay nasiib wacana u rajeeyay.

Conte oo ahaa shaqsigii Costa ka racadeeyay garoonka Stamford Bridge xagaagii dhawaa wuxuu yiri “Ma wanaagsano xiligaan inaan ka hadlo cayaartooy aan kooxdeyda ka tirsaneyn”

“Laakiin Costa waxaan kaga mahad celinaa sidii adkeyd ee uu iila shaqeeyay, waan isla dagaalanay waana isla guuleesanay wuxuuna ahaa geesi marwalbo ka go’neyd inuu guuleesto”

“Waxaan u rajeynaa nasiib wacan iyo inuu guulo la qeebsado kooxdiisa Atletico Madrid madaama uu dib ugu laabtay halkii uu rabay”

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan