Kooxda Atletico Madrid oo maanta Saxaafadda u soo bandhigtay Diego Costa iyo Vitolo… + SAWIRRO

0
785

Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa maanta si rasmi ah saxaafadda ugu soo bandhigtay xiddigaheeda cusub ee Diego Costa iyo Vitolo, shaacisayna lambarada ay naadiga u xiran doonaan.

Naadiga reer Spain ayaa dib ula soo saxiixatay xiddigeedii hore ee Wareerarka uga dheeli jiray, kaddib markii uu boos ka waayey kooxda Chelsea.

Maadaama ay kooxda Atletico Madrid ka ganaaxanayd suuqa kala iibsiga xiddigaha ciyaaryahanka Costa ayaa awoodi waayey inuu naadiga u ciyaaro bishii la soo dhaafay.

Hadda si rasmiga ah ayuu kooxda ugu ciyaari doonaa Diego Costa, isagoo sida kooxdu ay shaacisay maanta u xiran doonaa maaliyadda lambarka 18-aad.

Dhinaca kale Atletico Madrid ayaa sidaas oo kale maanta oo bandhigtay Vitolo, waxaana uu kooxda u xiran doonaa maaliyadda lambarka 23-aad.

SAWIRRO:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan