Jose Mourinho Oo Shaaca Ka Qaaday In Hal Ciyaaryahan Oo Qaali Ah Lasoo Wareegi Doonto Kooxdiisa Sannadka Cusub- Waa Kuma?

0
1638

Jose Mourinho ayaa kor u qaadaya qorshihiisa suuqa kala iibsiga ciyaartooyda, iyadoo Manchester United ay isku diyaarineyso inay wajahdo caawa kooxda Southampton.

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in kooxda ay lacag badan ku bixin doonto saxiixa hal ciyaaryahan xilli ciyaareedka soo socda xili lala xiriirinayo xiddiga Atletico Madrid Antoine Griezmann.

Mourinho ayaa shaaca ka qaaday inuusan awood u laheyn inuu la tartamo kooxda deriska ay yihiin ee Manchester City, taasoo lacag badan suuqa galisay xili ciyareedkaan.

Paul Pogba, Romelu Lukaku, Nemanja Matic, Victor Lindelof, Eric Bailly, Henrikh Mkhitaryan iyo Zlatan Ibrahimovic ayaa ku biiray Manchester United tan iyo markii Louis van Gaal laga ceyriyay Old Trafford bisha May 2016kii.

Griezmann oo iska diiday inuu u dhaqaaqo United ka hor bilowgii xilli ciyaareedkaan ayaa laga yaabaa inuu noqdo magaca kaliya ee tababare Mourinho kusoo kordhin karo kooxdiisa Red Devils.

“Waan hubaa, sannadka soo socda, kooxdeyda in ay bixin doonto lacag badan oo waliba lagu keenayo hal ciyaaryahan.

Sidookale xilli ciyaareedka soo socda, waxaan dooneynaa labo ama seddex ciyaartoy oo kale inaan helo,” ayuu yiri Mourinho.

MAnchester United oo kaalinta labaad ee Premier League kujirta waxay caawa soo dhaweyn doontaa kooxda Southampton.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan