Man United oo dhaqaaqday inay gacanta kusoo dhigto cayaaryahanka Serie A-da ugu baaska badan

0
1273

 

Man United ayaa u dhaqaaqday inay gacanta kusoo dhigto Jorginho oo khadka dhexe kaga cayaaro naadiga Napoli laguna tilmaamo midka Serie A-da ugu baaska badan.

Jorginho oo laga dhex arko astaamaha halyee Andrea Pirlo ayaa la sheegay in United isku dayi doonto maal maha nagu soo fool leh qaabkii ay Napoli kaga soo qaadan lahaayeen.

Macalin Mourinho ayaa ku tilmaamay Jorginho cayaaryahanka kaliya ee Man United u badali karo Michael Carrick oo waayihiisa cayaareed gabo gabo ku dhow.

Jorginho ayaa 134-kulan Napoli u cayaaray tan iyo sanadii 2014 markaas oo uu Verona kaga soo biiray si gaar ahna xili cayaareedkan 18-kulan ayuu kooxdiisa u saftay dhamaan tartamada kala duwan wuxuuna dhaliyay sedex gool si la mid ahna sedex kubadood ayuu caawiyay.

 Manchester Evening News ayaa qortay in United dalab toos ah bisha Janaayo Napoli u gudbin doonto waxaana xidigaan lagu qiimeeyaa 45-milyan ilaa 50-milyan oo pound lacago u dhaxeeyo.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan