Cristiano Ronaldo oo daaha ka qaaday sababtii uu u diiday ku biirista Juventus 14 sanno ka hor (Abaalmarin kale ayuuna qaatay)

0
750

Cristiano Ronaldo ayaa xalay oo Khamiis aheyd abaalmarin kale ka qaatay xafladdii Globe Soccer Awards ee ka dhacday Dubai, wuxuuna isla goobtaas ka sheegay sababtii ka dambeysay inuu iska diido ku biirista Juventus bedelkeedana u dhaqaaqo Manchester United.

Maadaama ay Real Madrid shan koob ku guuleysatay sannadkaan dhammaadka ah 2017ka, tababare Zinedine Zidane ayaa sidoo kale abaalmarin lagu siiyey xafladdaas.

Ronaldo oo abaalmarintaan uga adkaaday xiddiga kooxda Barcelona Lionel Messi iyo weeraryahanka Paris Saint-Germain Neymar JR ayaa wuxuu awoodi waayey inuu xafladdaan kasoo qeybgalo, balse muuqaal ayuu soo duubay, waxaana abaalmarinta guddoonsiiyey  halyeeyga Juve Alessandro Del Piero.

Alessandro Del Piero ayaana Ronaldo weydiiyey sababtii uu u diiday inuu Old Lady kula soo biiro sannadkii 2003dii bedelkeedana uu ugu biiray Manchester United.

CR7 ayaase ku jawaabay: “Kooxo badan ayaa waqtigaas xiiso ii qabay aniga, laakiin wax walba waxaa fure u ahaa wakiilkeyga Jorge Mendes. Marwalba wuxuu ahaa midka igu haga jidka ugu habboon.

“Waxaan xasuustaa inuu la hadlay Juventus, oo aan ku faraxsanahay inay xiiso ii qabtay maadaama ay tahay koox aan caadi aheyn. Sidoo kale Real Madrid, Manchester United iyo kooxo badan ayuu la hadlay.

“Balse kooxdii iisoo bandhigtay dalabka ugu habboon waxay aheyd Manchester United, anigu waxaan ahaa wiil yar waana ku riyoonayey inaan ka ciyaaro horyaalka England Premier League.

“Fursaddaan aan heerkaan kusoo gaaray ayey i siisay Manchester United, sidoo kale waa inaan u mahadceliyaa Sir Alex Ferguson iyo Jorge oo iga caawiyey inaan maanta heerkaan soo gaaro”.

Halyeeyga AS Roma Francesco Totti ayaa sidoo kale abaalmarin gaar ah la siiyey ka dib markii uu soo afjaray waayihiisa ciyaareed ee heerka kooxeed isagoo 40 sanno jir ah, keliya Roma ayuuna usoo ciyaaray.

Halyeeyga Barcelona Carles Puyol oo sannadkii 2014kii ka fariistay kubadda cagta ayaa sidoo kale abaalmarin gaar ah la siiyey. Halka abaalmarinta horyaalka ugu wanaagsan caalamka uu qaatay horyaalka Spain ee La Liga.

Marcello Lippi oo xulka Italy ku hogaamiyey Koobkii Adduunka 2006dii ayaa sidoo kale abaalmarin gaar ah la siiyey, wuxuuna haatan tababare u yahay xulka Shiinaha.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan