“Anigu kama maseyrsani Juve, waayo 1 Horyaal oo Roma qaadday ayaa u dhigma 10 ay Juventus ku guuleysatay” – Kabtan Totti

0
698

Xiddigii hore kooxda Roma ee Waddanka Talyaaniga Francesco Totti ayaa sheegay in uusan ka maseyrsaneyn kooxda Juventus, maadaama uu yiri Halkii Horyaalka Talyaaniga ahaa ee ay Roma ku guuleysatay uu dhigmo 10 Horyaal oo ay Juventus qaadday.

Waqtigii dheeraa ee uu Kabtan Totti la soo qaatay Roma ayaa waxaa u suurto gashay in uu sanadkii 2001 u horseedo hanashada Horyaalka Talyaaniga, iyadoo taasina boqorka Roma aysan ku dhalinayn inuu ka maseyro guulaha is daba joogga ah ee Juventus.

“Roma waxay ku jirtaa inta u sharraxan ku guuleysiga Horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan, waxay Roma ka mid tahay saddex illaa afar koox oo ku hardamaysa Horyaalka, kooxdayda Roma waxay sanadkan leedahay awood ka xooggan waqtiyadii hore oo ay kula tartami karto dhiggeeda.” ayuu Totti ku sheegay Wareysi uu siiyay ‘Sky Sport Italia’.

“Anigu kama maseyrayo Juventus, tusaale ahaan Roma ma lahan garoon u gaar ah, iyadoo sidoo kalena tirakoobyadu sheegayaan in Roma ay ku adag tahay in ay Horyaalka ku guuleysato.” ayuu xusay Totti.

Totti waxa uu yiri: “Halkii horyaal ee aan la qaaday Roma wuxuu u dhigmaa 10 Horyaal oo Juventus ku guuleysatay, waxaana rajaynayaa in ay sare u kici doonto kooxda Roma”.

Isagoo ka hadlayay laacibka kooxda Juventus Dybala bal inay suurtogal tahay inuu Juventus ka tago oo uu Roma ku biiro, wuxuu hoggaamiyihii hore ee Roma ku jawaabay: “Ma aaminsani in aan arki doono isagoo Roma u ciyaaraya, haddii uu doono in uu tagana Roma ma imaan doono, waxaanse rumeysanahay inuu sii joogi doono Juventus maaddaama uu Koobab kula guuleysanayo”.

Saaxiibkiis De Rossi ayaa wax laga su’aalay inuu u xiisay, wuxuuna ku jawaabay: “Aad baan u tebay saaxiibkeey, markii aan si wadajir ah kuraasta baska u wada fadhinay inta aan u soconno garoommada ciyaaraha, si wadajir ah ayaan ciyaaro badan u guuleysannay xitaa haddii aanan koobab badan qaadin”.

Geba-gebadii Totti ayaa ka hadlay wiilkiisa Christian, waxaana uu yiri: “Markii ugu horreysay ayaan telefishinka ka daawaday ciyaartii ay la dheeleen Barcelona, xaqiiqdii waxaan arkay sida nafteyda oo dib markale u ciyaaraysa, waxaan dareemay sida inaan daawanayo xilliyadii tegay, waxaan rajaynayaa in wiilkeygu uusan maqlin hadalladaasi si uusan u dareemin inaan cadaadis saarayo, laakiin farxad iyo faan ayay ii tahay in aan arko isagoo wacdaro dhigaya.”

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan