Neymar JR: “Waan ooyey markii aan awoodi waayey inaan dhaqaaqo, waxaana is dhahay mardambe ma socon doontid”

0
1395

Neymar JR ayaa daaha ka qaaday inuu ka cabsi qabay in uusan mardambe lugihiisa ku socon doonin ka dib markii uu dareenka oo dhan iyo dhaqdhaqaaqa lugihiisaba lumiyey intii lagu jiray Koobkii Adduunka 2014kii.

Neymar ayaa wuxuu Paris Saint-Germain ugu fadhiyaa 198 milyan oo ginni, wuxuuna daaha ka qaaday in waqtigaasi uu ahaa midkii ugu xumaa xirfaddiisa kubadda cagta xilli uu wareysi siiyey daafaca Barcelona Gerard Pique iyo barnaamijka Players’ Tribune.

Rajadii Neymar ee hanashada Koobka Adduunka 2014kii ayaa soo dhammaatay markii uu dhaawac dhabarka ah soo gaarsiiyey daafaca reer Colombia Juan Camilo Zuniga intii lagu jiray ciyaartii quarter-finalka ee Brazil ay 2-1 ku adkaatay.

Neymar oo 25 sanno jir ah ayaa u sheegay Players’ Tribune: “Marnaba ma qiyaasaneyn inaan ku socon doono lugaheyga. Xitaa ma dhaqaaqi karin.

“Dhakhtarka ayaa garoonka iga saaray, ka dibna waxaan bilaabay inaan ooyo. Maxaa yeelay xanuun aad u daran ayaan dareemay. Xitaa waxaan dareemi waayey inay luguhu igu yaallaan.”

Brazil ayaa martigelinta Koobka Adduunka ku dhammeysatay guuldarradii 7-1 aheyd ee kasoo gaartay dalka Germany ciyaartii heerka semi-finalka.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan