RASMI: African-kii ugu horreeyey ee ku guuleysta abaalmarinta Ballon d’Or oo noqday madaxweynaha Liberia

0
2166

Laacibkii hore ee kooxaha Paris Saint-Germain iyo AC Milan George Weah ayaa loogu codeeyey madaxweynaha dalka Liberia ee dhaca Galbeedka Africa.

Weah ayaa bartiisa Twitter-ka ugu mahadceliyey shacabka dalkiisa Liberia kuwaasoo taageero u muujiyey, wuxuuna  caddeeyey inuu qorshihiisu yahay inuu ka shaqeeyo midnimada dalkiisa.

George Weah oo ahaa African-kii ugu horreeyey ee ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or sannadkii 1995tii ayaa noqday madaxweynihii 25aad ee qabta xukunka dalka Liberia.

Wuxuu doorashadaan uga adkaaday 73 sanno jirka Joseph Boakai, kaasoo ahaa madaxweyne ku xigeenka dalkaan 12kii sanno ee lasoo dhaafay.

George Weah ayaa waxaa u codeeyey 12 gobol oo ka mid ah 15ka gobol ee dalka Liberia.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan