Jose Mourinho Oo Si Uu U Difaaco Kooxdiisa U Dhibaateeyay Kooxaha AC Milan & Real Madrid, Muxuuse Ka Yiri Awooda City?

0
1714

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegay in 300 milyan oo ginni aysan aheyn mid ku filan koxdiisa kadib markii ay barbaro 2-2 ah la galeen xalay kooxda Burnley.

Jesse Lingard ayaa dhaliyay labada gool ee kooxda Manchester United oo haaatan 12 dhibcood ka dambeysa Manchester City oo ah hogaamiyaasha Premier League.

“Waxaan ku jirnaa sannadkii labaad oo aan isku dayayno dib u dhiska kooxda, ayuu yiri tababaraha reer Portugal oo si carro leh kaga hadlayay barbarihii Burnley.

“Manchester City waxay iibsatay daafacyo ku qiimo ah weeraryahanada aan soo iibsaday” ayuu hadalkiisa raaciyay macalinkii hore ee Chelsea.

Mourinho ayaa loo magacaabay macalinka United bishii May sannadkii 2016kii, isagoo jabiyay rikoorkii suuqa kala iibsiga ciyaartooyda markaas oo uu 89 milyan oo ginni kula soo wareegay Paul Pogba.

Sidookale daafaca Eric Bailly iyo xiddiga khadka dhexe ee Henrikh Mkhitaryan ayaa kujira ciyaartooyda Jose Mourinho kusoo kordhiyay kooxdiisa.

Heshiiska ugu weyn sannadkaan wuxuu ku keenay £ 75m Weeraryahanka reer Belgium Romelu Lukaku, halka sidookale uu keensaday Victor Lindelof iyo Matic oo silama filaan ah kaga yimid Chelsea.

Mourinho oo sii tixraacayay arinta qiimaha suuqa ay galisay kooxdiisa, ayaa yiri” Lacagta aad sheeegtay ee 300 milyan kuma filna kooxdeena in ay kula dagaaalanto Manchester City, waayo waxay bixinayaan qiimo kasta oo looga baahan yahay.

Mourinho ayaa la weydiiyay siduu u arkayo sideed dhibcood in ay lumiyeen Manchester United 5tii kulan ee u dambeysay?

“Marka aad ku sheegto Man Utd kooxd weyn oo dhibco lumineysa, Milan iyo Real Madrid oo laga badiyay miyaysan aheyn kooxo waaweyn.

“Marka aad ka hadlaysid mas’uuliyada ku guuleysiga Premier League, Tottenham ma heysato fursadaas sababtoo ah ma ahan koox taariikh leh marka la barbardhigo Manchester United.

“Arsenal ma ahan koox ku guuleysan karta horyaalka, si lamid ah Chelsea waa lamid” ayuu yiri tababaraha Manchester United Jose Mourinho.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan