N’Golo Kante oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga ugu fiican Waddanka Faransiiska sanadka 2017

0
359

Majaladda France Football Magazine ee bixisa abaal-marinta Ballon d’Or ayaa laacibka kooxda Chelsea ee N’Golo Kante guddoonsiisay abaal-marinta xiddiga ugu fiican dalka Faransiiska.

N’Golo Kante ayaa isku diyaarinaya kulanka goordhow bilaaban doona oo ay Chelsea la leedahay naadiga Brighton and Hove Albion ee Premier League.

Kante ayaa doortay kan ugu fiican dalkiisa France sanadka 2017, iyadoo la xusuusto in labadii sano ee ugu dambeeyey uu ku guuleystay horyaalka Premier League, lana qaaday labo kooxood oo kala duwan.

N’Golo Kante waxa uu helay codad ugu badan oo ah 92 cod, sida warbixinta lagu sheegay, waxaana uu abaal-marintan ku garaacay laacibka kooxda Atletico Madrid Antoine Griezmann iyo ciyaaryahanka Man United ee Paul Pogba.

Waxaa kaalinta shanaad ka galay tartanka abaal-marinta Mbappe, iyadoo booska kaalinta saddexaadna uu ka soo muuqday Benzema.

Dhinaca kale kooxdiisa Chelsea ayaa ugu hambalyeysay abaal-marinta xiddigeeda N’Golo Kante uu hantay ee laacibka ugu fiican France sanadka 2017.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan