Kooxda Atletico Madrid oo heshay Weeraryahankii ay ku bedelan lahayd booska uu ka baxayo Antoine Griezmann

0
1199

Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa la soo sheegayaa inay Pierre-Emerick Aubameyang u aragto Weeraryahanka u bedelaya booska uu banneeyo Antoine Griezmann, kaasoo lagu wado inuu kooxda isaga tago.

Xiddiga xulka qaranka Gabon ayaa u adkeystay xilli ciyaareed dhib badan oo uu ku qaatay Westfalenstadion, inkastoo uu dhaliyay 21-gool tartammada oo dhan.

Warar xan ah oo soo baxayey horraantii bishaan ayaa sheegayey in Aubameyang uu heshiis qarsoodi ah la gaaray kooxda Dortmund, heshiiskaasoo ku eg illaa  2021, laakiin 28-sano ayaa diiday inuu qalinka Warqadda dul dhigo.

Dhinaca kale mustaqbalka Griezmann ee inuu sii joogayo garoonka Wanda Metropolitano ayaa shaki la galinayaa, iyadoo kooxda Barcelona iyo Manchester United ay xusul duubayaan sidii ay ku heli lahaayeen adeegga xiddigan xulka qaranka Faransiiska.

Sida uu warinayo Wargeyska The Sun Tababare Diego Simeon ayaa xiiseynaya in Aubameyang uu noqdo magaca weyn ee xiga ee Weerarka uga dheeli doona kooxda Atletico, haddii Griezmann uu tago sanadka soo socda.

Aubameyang kaasoo hadda dhaawac misigta ah uga maqan garoomada ayaa dhaliyey 141 gool, isagoo loo diiwaan geliyey 36 caawin 212 kulan oo uu u saftay Dortmund tan iyo markii uu sanadkii 2013-kii kaga soo dhaqaaqay naadiga Saint-Etienne.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan