SERIE A: Napoli oo garaacday Sampdoria, kooxda Inter Milan oo la tumay & Natiijooyinkii kale ee horyaalka Talyaaniga

0
378

Kooxda kubadda cagta SSC Napoli ayaa hoggaanka horyaalka dheereysatay kaddib markii ay ciyaar adag 3-2 kaga adkaatay Sampdoria oo ay soo dhaweysay, halka Inter Milan la garaacay.

Daqiiqaddii 2’aad ee ciyaarta Sampdoria oo marti ahayd ayaa goolka la horreysay waxaana u dhaliyey Gaston Ramirez, laakiin Napoli ayaa la timid goolka barbaraha 16’daqiiqo iyadoo ka heshay Allan, kulanka ayaana sidaas ku noqday barbaro 1-1.

Markale Sampdoria ayaa hoggaanka ciyaarta dib u soo ceshatay 27’daqiiqo kaddib markii uu gool ku laad/Rigoore u dhaliyey Fabio Quagliarella, kaasoo kulanka ka dhigay 2-1 looga gacan sarreeyey Napoli.

Inter Milan ayaa goolka barbarbaha la timid waxaana u dhaliyey 33’daqiiqo Lorenzo Insigne, kaasoo kulanka ka dhigay barbaro 2-2.

Wixii intaa ka dambeeyey Napoli ayaa hoggaanka ciyaarta la wareegay waxaana goolka saddexaad u dhaliyey 39’daqiiqo Marek Hamsik, sidaas ayaana lagu kala nastay 3-2 looga gacan sarreyey Sampdoria.

Qeybtii labaad markii dib la isugu soo laabtay labada kooxoodba gool kale ma dhalin oo goolasha kulanka oo dhan waxa ay dhaliyeen qeybta hore, laakiin waxaa Napoli kaarka cas ka qaatay 77’daqiiqo Mario Rui kaddib markii loo taagay kaarkiisa labaad ee digniinta loona raaciyey midka guduudan.

Kulanka dhexmaray Napoli iyo Sampdoria ayaana ku soo dhammaaday waqtigii loogu talagalay 3-2 ay ku badisay kooxda Napoli oo sidaas hoggaanka horyaalka Serie A ku qabatay iyadoo leh 45-dhibcood.

Dhinaca kale kooxda Inter Milan oo dhankeeda ciyaarta kulan ka tirsan horyaalka Serie A ayaa looga adkaaday 1-0 kaddib markii ay booqatay Sassuolo.

Sassuolo waxaa goolka qura oo ay uga badisay Inter u dhaliyey 34’daqiiqo qeybtii hore Diego Falcinelli, sidaas ayaana lagu kala nastay Inter oo looga gacan sarreeyey 1-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Inter Milan ayaa iska lumisay fursad ay kulanka ku barbareysan kartay waxaana rigoore ka khasaariyey 49’daqiiqo weeraryahankeeda Mauro Icardi, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 1-0 lagu dardaray Inter Milan.

Inter Milan ayaa hadda fadhisa kaalinta 3’aad iyadoo leh 40-dhibcood, halka Sassuolo ay soo degtay kaalinta 14-aad iyadoo leh 20-dhibcood.

Haddaba halkaan hoose ka eeg natiijooyinka kulamadii kale ee la ciyaaray maanta horyaalka Serie A:-

Lazio 4 – 0 Crotone

Genoa 1 – 0 Benevento

SPAL 2013 2 – 2 Torino

Udinese 4 – 0 Hellas Verona

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan