Muxuu ahaa halka rikoor ee laga diiwaan geliyey kulankii Chelsea iyo Everton ay barbaraha ku galeen garoonka Goodison Park? + GOOS-GOOSKA

0
855

Kooxaha Everton iyo Chelsea ayaa barbaro ku galay garoonka Goodison Park kulan ka tirsan kulamada 19-aad ee horyaalka Premier League.

Fursado dhowr ah ayey sameysay kooxda Chelsea laakiin uma suuro gelin inay shabaqa gaaraan, iyadoo Everton ay u muuqatay koox qaab ciyaareed dheeleysay, kulanka ayaana waqtigii loogu talo galay ku soo dhammaaday gar isku mid ah 0-0.

Everton iyo Chelsea ayaa sidaas min hal dhibic ku helay, waxaana Blues oo ku jirta kaalinta saddexaad ee kala horreynta Premier League ay leedahay haatan 39-dhibcood, halka Everton oo ku jirta kaalinta 9-aad ay leedahay 26-dhibcood 19 kulan oo ay ciyaartay.

Haddaba hal rikoor oo qura ayaa laga diiwaan geliyey kulankaas Chelsea iyo Everton ay barbaraha ku galeen garoonka Goodison Park ee hoos ka eeg:-

>- Kooxda Everton ayaa ku guuldarreysatay inay hal shuut oo bartilmaameed toos ah sameysay kulan Premier League iyadoo ku ciyaareysa garoonkeeda markii ugu horreysay tan iyo 4-tii bishii December sanadkii 2011, markaasoo ay la ciyaarayeen Stoke, waana muddo haatan laga joogo 2211 maalmood.

GOOS-GOOSKA KULANKA:-

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan