EPL: Kooxaha Everton iyo Chelsea oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Goodison Park.. + SAWIRRO

0
335

Kooxaha Everton iyo Chelsea ayaa barbaro ku galay garoonka Goodison Park kulan ka tirsan kulamada 19-aad ee horyaalka Premier League.

Chelsea oo u dagaalamaysay inay soo barbareyso dhibcaha ay ka sarreyso Man United oo ku jirta kaalinta labaad ayaa barbaro goolal la’aan 0-0 ka soo qaadatay Toffees oo ay booqatay.

Fursado dhowr ah ayey sameysay kooxda Chelsea laakiin uma suuro gelin inay shabaqa gaaraan, iyadoo Everton ay u muuqatay koox qaab ciyaareed dheeleysay, kulanka ayaana waqtigii loogu talo galay ku soo dhammaaday gar isku mid ah 0-0.

Everton iyo Chelsea ayaa sidaas min hal dhibic ku helay, waxaana Blues oo ku jirta kaalinta saddexaad ee kala horreynta Premier League ay leedahay haatan 39-dhibcood, halka Everton oo ku jirta kaalinta 9-aad ay leedahay 26-dhibcood 19 kulan oo ay ciyaartay.

SAWIRRO:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan