Yaa noqon doono cayaaryahanka 2017 ugu goolasha badan loolan dhamaad ku dhow

0
1045

 

Sanadkaan 2017 ayaa gabo gabo ku dhow balse weli si rasmi ah looma aqoonsin cayaaryahanka ugu goolasha badan xidigaha 5-horyaal Yurub ugu caansan ka cayaaraan.

Edinson Cavani ayaa kulankii ugu dambeeyay PSG sanadkaan 2017 cayaarto gool dhaliyay halka Roberto Lewandowski uu gool la’aan baxay kulankii ugu dambeeyay Bayern sanadkaan cayaarto.

Waxaa xusid mudan in Cavani, Lewandowski, Ronaldo iyo Messi min 53-gool sanadkaan dhaliyeen balse Ronaldo iyo Messi hal kulan ayaa 2017 baaqi u ah waana kulanka El Classico oo ay berito wada cayaari doonaan.

Harry Kane isagana sanadkaan 50-gool ayuu dhaliyay wuxuuna heestaa labo kulan inta sanadkaan 2017 dhamaanin.

Hadaba hoos kaga bogo xidigaha sanadkaan 2017 ugu goolasha badan ee 5-horyaal Yurub ugu caansan ka cayaaraan:

Robert Lewandowski 53-gool iyo 55-kulan

Cristiano Ronaldo 53-gool iyo 59-kulan

Edinson Cavani 53-gool iyo 62-kulan

Lionel Messi 53-gool iyo 63-kulan

Harry Kane 50-gool iyo 50-kulan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan