WARBIXIN: Thibaut Courtois oo laga dhigayo Goolhayaha ugu mushaarka badan Caalamka!

0
624

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la soo warinayaa inay isku diyaarinayso inay goolhayeheeda Thibaut Courtois ka dhigto kan ugu mushaarka badan kubadda cagta Caalamka.

Courtois 18 bilood ayaa kaga harsan yahay qandaraaska uu ku joogo garoonka Stamford Bridge, laakiin 25-sano jirkaan ayaa muujiyay rabitaan ah inuu dib ugu soo laabto Spain mustaqbalka, halkaasoo uu xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium uu horay ugu soo ciyaaray kooxda Atletico Madrid.

Si kastaba, Chelsea ayaa doonaysa inay Courtois ku sii hayso Galbeedka Magaalada London, sida ay warinayso The Telegraph Madaxda kooxda Blues ayaa diyaar u ah inay sare u qaadaan mushaarka goolhayehan oo ay gaarsiiyaan todobaadkii 200,000 oo gini.

Courtois ayaa sheegay inuu sugi doono illaa dhammaadka xilli ciyaareedka ka hor inta uusan go’aan ka gaarin heerka xiga ee mustaqbalkiisa ciyaareed, laakiin Chelsea ayaa kalsooni ku qabta inay xiddigan ku sii haysan karaan midkood qandaraas oo muddo dheer ah ama mushaarkiisa oo sare loo qaado lagana dhigo goolwalaha ugu mushaarka badan kubadda cagta caalamka.

Sanadkii 2011-kii, Chelsea ayaa Genk kaga iibsatay £5m si ay ula saxiixato Courtois, kaasoo tan iyo markii uu soo tagay saftay 133 kulan tartammada oo dhan, saddex sano ayuuna amaah ugu soo ciyaaray Atletico.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan