Rasmi: Aleksandar Kolarov oo Roma dib ugu soo laabtay iyo xidigaha Kulanka Juve loo xushay

0
275

 

Daafaca garabka bidix ee Serbian-ka ah Aleksandar Kolarov ayaa AS Roma dib ugu soo laabtay ka hor kulanka adag oo ay habeen dambe la cayaareyso naadiga Juventus.

Macalin Eusebio Di Francesco ayaa magaacabay 23-cayaaryahan oo uu magaalada Turin ula safraayo waxaana ka qayb yahay wiilka dhalinta yar Nura Abdullahi.

Weeraryahan Gregoire Defrel oo todobaadyadii ugu dambeesay tababar sahlan sameenayay ayaa safarka Juve laga reebay si soo kabashadiisa halis loo galinin.

Fadlan hoos kaga bogo xidigaha Roma habeen dambe u matali doonaan kulanka adag oo ay Juve la cayaarayaan waxaana xusid mudan in Roma sedex dhibcood ka hooseyso Juve oo labaad ku jirto halka Roma booska 4-aad fadhiso:

Goolhayeyaal:

Alisson Becker
Lukasz Skorupski
Bogdan Lobont

Daafaca:

Juan Jesus
Aleksandar Kolarov
Hector Moreno
Federico Fazio
Bruno Peres
Emerson Palmieri
Kostas Manolas
Leandro Castan

Khadka dhexe:

Radja Nainggolan
Kevin Strootman
Lorenzo Pellegrini
Daniele De Rossi
Maxime Gonalons
Alessandro Florenzi
Gerson

Weerarka:

Diego Perotti
Edin Dzeko
Patrik Schick
Cengiz Under
Stephan El Shaarawy

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan