Goolhaye Gianluigi Buffon oo la xaqiijiyay inuu kulanka Roma seegi doono

0
368

 

Goolhayaha waaya araga ah Gianluigi Buffon kooxdiisa Juve ma caawin karo kulanka adag oo ay wajihi doonaan naadiga AS Roma sabtiga nagu soo fool leh.

Macalin Allegri ayaa xaqiijiyay kabtanka Juve in kulanka Roma soo xaadiri doonin wuxuuna yiri “Buffon suura gal ma ahan inuu kulanka Roma cayaaro madaama todobaadkan uusan kooxda tababar la qaadanin”

Goolhaye Gianluigi Buffon wuxuu ka xun yahay dhaawaca soo gaaray ee u diiday labadii kualn ugu dambeeyay Serie A-da inuu cayaaro haatana safashadiisa guud Serie A-da waa 629-kulan asigo hiigsanayo rikoorka Paulo Maldini oo ah 647-kulan.

Juve 20-kulan ayaa u harsan Serie A-da xili cayaareedkan hadii Buffon 19 ama 18-ka mid ah uu cayaaro rikoorka Maldini uu jebin karaa.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan