Diego Maradona mararka qaar libinta inuu bixiyo wuu ogol yahay

0
757

 

Diego Armando Maradona ayaa ugu hambalyeeyay Marek Hamsik inuu bar bareeyay rikoorkiisa taariikhda kooxda Napoli ugu goolasha badan.

Marek Hamsik wuxuu gool ka dhaliyay naadiga Torino kulankii ugu dambeeyay Napoli 3-1 guusha ku qaadatay wuxuuna ahaa goolkiisii 115-aad ee uu Napoli u dhaliyo.

Hamsik wuxuu bar bareeyay iskoor Maradona u yiilay tan iyo sanadii 1991 sidaa darteed Maradona ayaa libinta siiyay markaan Hamsik.

Diego Armando Maradona fariinta hambalyo ee uu Hamsik usoo diray sidaan ayay u qorneyd “Waxaan hambalyaa u dirayaa Marek Hamsik oo gaaray iskoorkeyga 115-gool Napoli ka heestay”

“Marek waxaan kuu rajeynaa inaa goolal badan Napoli usii dhalisay madaama aad tahay laacib dadaal badan hogaamintiisana aad u sareyso”

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan