Rakitic oo fariin u diray Neymar “Mararka qaar cayaartooyda dunida ugu wanaagsan ma doortaan kooxda dunida ugu wanaagsan!”

0
1858

 

Ivan Rakitic iyo Neymar waa labo saaxiibo oo waqti wacan Barcelona ku wada qaateen sidoo kalena sanadii 2015 sedexleey koobab ah Barca la qaadeen.

Sidaa darteed kubad qaabeeye Ivan Rakitic ayaa saaxiibkiisa Neymar ku weeraray go’aankii uu xagaagii dhawaa ku doortay naadiga PSG.

Inkastoo Neymer 222-milyan oo euro ah lagu iibsaday sidoo kalena laacibka dunida ugu qaalisan noqday hadana Rakitic dhaliishiisa waa mid banaanka taalo.

Ivan Rakitic wuxuu yiri “Mararka qaar cayaartooyda dunida ugu wanaagsan ma doortaan kooxda dunida ugu wanaagsan”

“Hubanti ahaan Neymar wuxuu ka mid yahay xidigaha caalamka ugu wanaagsan laakiin PSG kama mid ahan kooxaha aduunka ugu weyn ama ugu wanaagsan waa naadi hada soo koraayo”

Ivan Rakitic ayaa sheegay in Barcelona aysan Neymar tabin wuxuuna yiri “Waa sax in xidig weyn xagaagii dhawaa naga tagay balse Neymar booskiisa waxaan ku biixinay wada shaqeyn koox iyo in cayaaryahan walbo kooxda ka tirsan is xil qaamay”

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan