Lazio oo ku faraxday go’aanka ganaaxa weeraryahankeeda Immoble la dul dhigay

0
988

 

Kooxda SS Lazio ayaa ka cabsi qabtay in weeraryahankeeda Ciro Immobile ganaax sedex kulan ugu yaraan la kulmi karo kadib markii casaan la siiyay kulankii guuldaro 3-1 ay Torino kala kulmeen.

Balse haatan gudiga anshaxa Serie A-da waxay Ciro Immobile ganaaxeen hal kulan taasi oo farxad galiyay kooxda Lazio madaama aysan ka maarmin weeraryahankan muhiimka u ah.

Ciro Immobile ayaa sidoo kale ganaaxay €10,000 wuxuuna seegi doonaa kulanka Axada Lazio la cayaari doonto naadiga Atlanta ee Serie A-da ka tirsan.

Dhinaca kale agaasmiyaasha Lazio Igli Tare iyo Armando Calveri ayaa laga ganaaxay inay garoomada soo xaadiraan December 17 ilaa 22-ka kadib hab dhaqan xumadii ay garoonka Olympico ka sameeyeen kulankii Torino.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan