Kooxaha Premier League ee loogu raadinta badnaa barta Google sanadkan 2017 oo la shaaciyey – Kaalintee ayey gashay kooxdaada?

0
1798

Waxaa la shaaciyey kooxaha loogu raadinta badnaa ee inta badan dadka deggan UK ay ka baadeen barta Google sanadka 2017, waxaana hoggaaminaysa Manchester United.

Kooxda Jose Mourinho uu hoggaamiyo ayaa noqotay kooxda ka dhisan Premier league ee loogu raadinta badnaa Google sanadkan gabagabada ah ee 2017.

Kooxda hoggaaminaysa horyaalka Premier League ee Manchesrer City ayaa kaalinta todobaad ka soo gashay kooxaha Premier League ee sanadkan 2017 lagu raadiyay Google ee UK gudaheeda.

Man United oo kaalinta koowaad ku jirta ayaa noqotay kooxda inta badan laga baaray Google, waxaana ay ka sarreysaa Liverpool, Arsenal, kooxda xafidanaysa horyaalka ee Chelsea iyo weliba Man City oo kaalinta 7-aad ka dhacday.

Kooxaha Tottenham iyo Everton ayay dadka deggan UK si weyn ugu raadiyeen barta Google sanadkan 2017, marka loo eego Manchester City.

Haddaba halkaan hoose ka eeg kaalimaha ay kala galeen kooxaha Premier League iyo sida dadka deggan UK uga raadiyeen Google:-

1- Manchester United

2- Liverpool

3- Arsenal

4- Chelsea

5- Tottenham

6- Everton

7- Manchester City

8- West Ham

9- Newcastle

10- Leicester

11- Southampton

12- Crystal Palace

13- West Brom

14- Stoke

15- Watford

16- Burnley

17- Swansea

18- Huddersfield

19- Brighton

20- Bournemouth

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan