RASMI: Borussia Dortmund oo shaqada ka cayrisay tababaraheedii Peter Bosz, durbana macallin cusub magacaabatay

0
801

Kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund ayaa shaqada ka cayrisay tababaraheedii Peter Bosz waxaana ay macallin cusub u magacaabatay macallin Peter Stoger.

Macallin Peter Bosz ayaa shaqada Borussia Dortmund hayey muddo todoba bilood ah, waxaana hadda shaqada kooxda reer Jarmal ka bedeli doona Macallinkii hore ee Naadiga Cologne, Peter Stoger.

Tababare Peter Stoger ayaa shaqada kooxda Dortmund sii hayn doona illaa dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Dortmund ayaa ku guuldarreysatay inay guul gaarto kulan horyaalka ah tan iyo bishii September, marakaasoo ay 1-0 gurigooda uga adkaadeen Werder Bremen.

Macallin Peter Stoger ayaa noqonaya tababarihii saddexaad ee Dortmund tan iyo markii uu kooxdaas isaga tagay tababare Jurgen Klopp sanadkii 2015-kii.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan