Man United oo dooneysa inay qiimo rikoor ah 95 milyan kusoo iibsato kubadsameeye wacdaro ka dhigaya horyaalka Serie A

0
1392

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay qiimo lacageed rikoor ah oo dhan 95 milyan oo ginni ay kula soo wareegto xiddiga kooxda Lazio Sergej Milinkovic-Savic, sida laga soo xigtay majaladda The Sun.

SunSport ayaa Isbuucaan ku warantay inuu tababaraha Man Utd Jose Mourinho uu wakiillo soo indha-indheeya u diray dalka Talyaaniga, kuwaasoo la dhacay qaab ciyaareedka xiddiga heerka caalami ee dalka Serbia – kaasoo kooxdiisa Lazio ka caawiyey inay guul 2-1 ah ka gaarto Sampdoria.

Manchester United ayaana haatan diyaar u ah inay quurto 95 milyan oo ginni si ay gacanta ugu soo dhigto kubadsameeye Sergej Milinkovic-Savic, wuxuuna noqon doonaa xiddigii ugu qaalisanaa taariikhdooda.

Sergej Milinkovic-Savic ayaa ka mid ah kubadsameeyeyaasha ugu wanaagsan qaaradda Yurub waqti xaadirkaan

22 sanno jirkaan ayaa lagu soo waramayaa inuu xitaa ku faraxsan yahay wararka la xiriirinaya kooxda ka dhisan Old Trafford. Balse haddii uu Man Utd yimaado wuxuu jebin doonaa rikoorkii Paul Pogba kaasoo 2016kii lagu soo iibsaday 89 milyan oo ginni.

Mourinho ayaa ku guuldarreystay xagaagii lasoo dhaafay inuu xiddigaan lasoo saxiixdo. Milinkovic ayaase xilli ciyaareedkaan qaab ciyaareed lala dhacay kusoo bandhigaya horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga oo ay kooxdiisa Lazio uga jirto kaalinta 5aad iyadoo leh 32 dhibcood.

Lazio ayaa xiddigaan 16 milyan oo ginni ugala soo wareegtay kooxda Genk ee dalka Belgium sannadkii 2015kii. Kooxaha Manchester City iyo Juventus ayaana saxiixiisa xiiso u qaba, balse Man Utd ayaa loolanka hogaamineysa.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan