Tobanka shaqsi ee loogu hadal haynta badan yahay Isboortiga barta Twitter-ka sanadka 2017 oo la shaaciyey… (Man Utd oo saddex ku leh!)

0
2220

Manchester United ayaa la soo sheegayaa inay noqotay kooxda loogu hadal haynta badan yahay barta Twitter-ka marka la eego booska shaqsiyaadka ka tirsan ay kaga jiraan Twitter-ka sanadka 2017-ka.

Kooxda Man United ayaa saddex shaqsi ku leh 10-ka nin ee Isboortiga nuucyadiisa kala duwan ciyaara ee loogu sheeg sheegga badan yahay barta Twitter-ka sanadkan gabagabada ah ee 2017.

Xiddiga UFC-ka dheela ee Conor McGregor ayaa kaalinta koowaad ka galay shaqsiyaad loogu hadal haynta badan yahay Twitter-ka sanadkan, waxaana loo sababeynayaa feerkii caanka ahaa ee uu la galay Floyd Mayweather Jr bishii Agoosto.

Saddexda shaqsi ee ka tirsan Manchester United oo loogu sheeg sheegga badan yahay Twitter-ka kana mid ah 10-ka sare ayaa waxa ay kala yihiin Paul Pogba, Romelu Lukaku iyo Macallinkooda Jose Mourinho waxa ay kala galeen kaalimaha labaad, saddexaad iyo afaraad.

Kabtankii hore ee Red Devils Wayne Rooney ayaa isna soo fariistay kaalinta lixaad kaddib markii uu ka tagay Man United kula biiray kooxdiisii hore ee Everton.

Kaalinta shanaad waxaa ku jira Mayweather, halka kaalimaha Todobaad iyo siddedaad ay kala galeen Neymar iyo Ronaldo.

Laacibka kooxda Liverpool ee Coutinho oo xagaagii tagay aad loola xiriirinayey Baracelona ayaa isna ka soo muuqday kaalinta Sagaalaad, Macallinka Arsenal ee Wenger ayaana tirada 10-ka soo xiray.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan