Afar naadi oo waa weyn ayaa todobaadkan qarka u saaran inay Champion-ka isaga haraan

2
4015

 

Koobka horyaalada Yurub ayaa la amba qaadi doonaa Talaado iyo Arbaco todobaadkan ayadoo la cayaari doono kulamada 5-aad heerka guruubyada.

Hadaba afar naadi oo waa weyn sidoo kalena tartankan lagu tixgaliyo ayaa qarka u saaran inay gabi ahaanba isaga hareen todobaadkan.

Atletico Madrid oo afar sano xariir ah heerka Guruubyada kasoo baxeesay sidoo kalena qaybaha ugu dambeeyo soo gareesay qarka ayay u saaran tahay inay harto hadii ay Roma guuldaro kala kulmaan ama bar bar dhac la galan sidoo kalena Chelsea wax guuldaro ah la kulmin.

Dortmund oo 5-sano ugu dambeesay afar ka mid ah qaybaha bug baxda soo gaareesay ayaa qarka u saaran inay harto hadi ay Tottenham ka badin waayaan ama ay bar bar dhac la galaan sidoo kalena Real Madrid guuleesato.

AS Monaco oo sanadkii hore Semi Final soo gaartay iyadana hadii ay todobaadkan guuleesan weeso gabi ahaanba wey iska hari doonaan.

Napoli waxay ku qasban yihiin inay Shakhtar garaacaan kulanka ay garoonkooda ku marti qaadayaan si rajadooda usii jirto hadii ay bar bar dhac galaan wey iska hari doonaan.

Kulamada Champion-ka Talaado Iyo Arbaco La Cayaarayo:

Talaado:

Group E: Spartak Moskva v Maribor (8:00 fiidnimo xiliga Afrika), Sevilla v Liverpool
Group F: Napoli v Shakhtar Donetsk, Manchester City v Feyenoord
Group G: Beşiktaş v Porto (8:00 fiidnimo xiliga Afrika), Monaco v RB Leipzig
Group H: Borussia Dortmund v Tottenham Hotspur, APOEL v Real Madrid

Arbaco

Group A: CSKA Moskva v Benfica (8:00 fiidnimo xiliga Afrika), Basel v Man United
Group B: Paris Saint-Germain v Celtic, Anderlecht v Bayern München
Group C: Qarabağ v Chelsea (8:00 fiidnimo xiliga Afrika), Atlético Madrid v Roma
Group D: Juventus v Barcelona, Sporting CP v Olympiacos

SHARE

2 Fikradaha Akhristayaasha

    • Dhamaan kulamada in 10:45 habeenimo xiliga geeska Afrika la cayaarayo waa la ogyahay kaliya kulamada xiliga fiidka la cayaarayo ee lasoo hormariyay ayay waqtiyada 8:00 fiidnimo gaar u tahay ee kama wadno in dhamaan kulamada 8:00 fiidnimo la cayaarayo.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan