Florentino Perez oo hal shuruud ku xiray Zinedine Zidane si uu ugu keeno Eden Hazard & Qaabka loo bedeli doono weerarka Real Madrid

0
1385

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa u sheegay tababare Zinedine Zidane inuu diyaar u yahay inuu usoo iibiso laacibka kooxda Chelsea Eden Hazard, laakiin waa inuu Zidane kooxda ka diro mid ka mid ah weeraryahannadiisa.

Hazard waa bartilmaameedka ugu sarreeya ee Zidane, Real Madrid oo fasal ciyaareedkaan si xun ku bilaabatay ayaana isha ku heysa inay lasoo wareegto.

Haddii uu Hazard noqonayo Galactico-ha xigga ee Santiago Bernabeu Stadium si uu uga hoos shaqeeyo Zidane oo uu yaraantiisii ku dayan jiray, taasi waxay soo afjari doontaa mustaqbalka Real Madrid ee mid ka mid ah weeraryahannada kooxda, sidaas waxaa xujo ka dhigtay madaxweyne Florentino Perez.

Shabakadda Diaro Gol ayaa sheegeysa inuu Florentino Perez doonayo in boos loo banneeyo xiddiga reer Belgium – Karim Benzema ayeyna u badan tahay inuu noqdo midka kooxda laga diri doono, inkastoo uu Zidane taageere weyn u yahay habka uu u ciyaaro.

Zidane ayaa muddo dheer la duubnaa Benzema, waxaana xusid mudan inuu xagaagii lasoo dhaafay iibiyey Alvaro Morata, halka uu Benzema kooxda kusii celiyey, laakiin xiddiga reer France ayaa qaab ciyaareed xun ku jiray 18kii bilood ee lasoo dhaafay, hal gool oo keliya ayuuna fasal ciyaareedkaan ka dhaliyey horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa 8 dhibcood ka dambeysa hogaamiyeyaasha horyaalka La Liga ee Barcelona. Madaxweyne Perez ayaana aaminsan inuu horyaalku gacantooda ka baxay ka dib 11 kulan oo la ciyaaray, waana sababta uu ugu birotumanayo xilli ciyaareedka soo aadan.

Shabakadda Diaro Gol ayaa soo jeedineysa inuu madaxweyne Perez si tartiib-tartiib ah meesha uga saari doono weeraryahannada gabowga ah ee Los Blancos – waxaa u qorsheysan inuu hadda Benzema ku bedelo Hazard, ka dibna Bale diro isagoo bedelkiisa ka dhigaya Harry Kane, ugu dambeynna Cristiano Ronaldo ayaa albaabka ka bixi doono iyadoo lagu bedelayo Neymar JR.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan