Man City oo guuldarro dhabarka u saartay Arsenal, xilli ay 8 dhibcood hogaanka EPL kaga qabatay Man Utd (Daawo goosgooska)

0
2828

Manchester City ayaa 8 dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hogaanka horyaalka England Premier League ka dib markii ay guul 3-1 ah ka gaartay kooxda Arsenal ciyaar ka dhacday garoonkeeda Etihad Stadium.

Kevin de Bruyne ayaa daqiiqadii 19aad hogaanka u dhiibay kooxda tababare Pep Guardiola ka dib markii uu lugta bidix kusoo toogtay shabaqa goolhaye Petr Cech iyadoo kubaddaasi ay aheyd mid ay ciyaartoyda Man City si wanaagsan uga soo shaqeeyeen.

Qeybtii hore ee ciyaartaan Arsenal waxay heshay dhowr fursadood balse gool uma bedelin, sidaas darteed Man City oo 1-0 hogaanka ku heysa ayaa qeybtii hore nasiino la aaday.

Nacho Monreal ayaa daqiiqadii 50aad rigoore ku keenay kooxda Arsenal, taasoo uu Man City hogaanka ugu dheereeyey weeraryahanka reer Argentina Sergio Aguero oo jiho qaldan u diray goolhaye Cech.

Alexandre Lacazette oo ciyaarta bedel kusoo galay ayaa rajo geliyey Gunners, markii uu daqiiqadii 65aad shabaqa ku shubay fursad uu u abuuray kubadsameeye Aaron Ramsey.

Man City ayaa dhalisay goolkeeda seddaxaad, kaasoo offside ahaa, laakiin uu garsooruhu fasaxay, waxaana goolkaas ku fara-yareystay Gabriel Jesus oo karoos cajiib ah ka helay David Silva

Man City ayaa haatan leh 31 dhibcood, waxayna 8 dhibcood hogaanka EPL uga heysaa Man United taasoo dhowaan ay bilaaban doonto ciyaarta ay wajaheyso Chelsea.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan