Man United oo guul dirqi ah ka gaartay Tottenham kuna soo dhowaatay hogaanka EPL (Daawo goosgooska)

0
1979

Manchester United ayaa guul 1-0 ah ka gaartay Tottenham Hotspurs kulankii Isbuucaan ugu adkaa horyaalka England Premier League kaasoo ka tirsanaa ciyaaraha wareegga 10aad.

Man United ayaa garoonkeeda ku adkaatay iyadoo markale shabaqa ilaashatay kana soo kabsatay guuldarradii Isbuucii lasoo dhaafay kasoo gaartay kooxda Huddersfield Town.

Man United waxaa goolkeeda guusha u dhaliyey Anthony Martial oo ciyaarta bedel kusoo galay, kaasoo caawinaad madax ah ka helay xiddiga reer Belgium Romelu Lukaku kubad si toos ah uga timid goolhaye David De Gea.

Labadaan kooxood ayaa ciyaar soo jiidasho leh kusoo bandhigay Old Trafford. Man United oo seddaxda dhibcood qaadatay ayaana usoo dhaqaaqday kaalinta labaad ee horyaalka EPL iyadoo laba dhibcood usoo jirsatay Manchester City.

Man United waxay leedahay 23 dhibcood, halka Man City ay leedahay 25 dhibcood. Laakiin Sky Blues ayaa kulankeeda 10aad waxay galabta la ciyaari doontaa kooxda West Bromwich Albion.

Tottenham ayaana kaalinta seddaxaad ku jirta iyadoo leh 20 dhibcood.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan