Wargeysyada Yurub iyo wararka xanta ah ee ay maanta ka qoreen suuqa kala iibsiga  – Maxaa laga qoray Ozil, Kane & Ancelotti?

0
837

Maamulka kooxda Chelsea ayaa ka fikiraya in xilka tababarenimo ee kooxda Blues lagu aamino macalinka kooxda Napoli Maurizio Sarri waxayna 58 sanno jirkaan ku bedelaan Antonio Conte, oo 48 sanno jir ah, kaasoo uu cadaadis badan saaran yahay. (Football Italia, & Daily Star).

Michael Appleton ayaa ku dhow inuu iska casilo xilka tababaraha ku meelgaarka ah ee kooxda Leicester City iyadoo Foxes ay qarka u saaran tahay inay shaqadaan si joogto ah ugu dhiibto macalinkii hore ee kooxda Southampton Claude Puel. (Daily Telegraph).

Manchester United ayaan illaa haatan dalab ay kula soo wareegeyso ka gudbin xiddiga qadka dhexe ee kooxda Arsenal Mesut Ozil, laakiin Red Devils waxay ka mid tahay seddax kooxood oo isha ku haya inay lasoo wareegaan 29 sanno jirka reer Germany kaasoo doonaya inuu ka tago Gunners. (Manchester Evening News).

Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa caddeeyey in aysan maankiisa kusoo dhicin inuu lasoo wareego gooldhaliyaha Tottenham Harry Kane, ka dib markii kooxda difaacaneysa koobka UEFA Champions League lala xiriirshay inay lasoo wareegeyso 24 sanno jirka weerarka uga ciyaara Tottenham iyo xulka England. (Daily Mirror).

Kabtankii hore ee xulka England Wayne Rooney ayaan heli doonin fursad uu ku macsalaameeyo taageereyaasha Three Lions inta lagu jiro kulamada saaxiibnimo ee xulka England uu wajahayo Germany iyo Brazil bisha soo aadan, Xiriirika Kubadda Cagta Ingiriiska FA ayaana fursaddaas u diiday. (The Sun).

Tababaraha diiradda u saaran kooxda Everton Carlo Ancelotti ayaa lagu soo waramayaa inuu wadahadallo kula jiro kooxda ka ciyaarta horyaalka Chinese Super League ee Guangzhou Evergrande, sida laga soo xigtay warbaahinta Shiinaha. (Daily Mirror).

Weeraryahanka reer Senegal Diafra Sakho, oo 27 sanno jir ah, ayaa wuxuu doonayaa inuu ka tago kooxda West Ham. (Claude Atcheba).

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya inuu amaah ku bixin doono 21 sanno jirka reer Belgium Charly Musonda bisha Jannaayo 2018ka. (Daily Express).

Tababarihii hore ee kooxda Borussia Dortmund Thomas Tuchel, oo 44 sanno jir ah, ayaa wuxuu diiday inuu meesha ka saaro fursad uu tababare ugu noqon karo kooxda Everton haddii ay xiriir lasoo sameyso. (Sky Sports).

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan