PSG oo mushaar waali ah kusoo jiidaneysa mid kamid ah xiddigaha kooxda Manchester City

0
1932

Kooxda ka dhisan caasimada dalka France Paris Saint-Germain ayaa la cadeeyey inay xiiseyneysay saxiixa xiddiga u dhashay dalka Belguim ka Kevin De Bruyne kaasoo 54 Milyan oo Ginni ugu biiray kooxda Sky Blues ka xagaagii 2015 ka.

De Bruyne ayaase ku faraxsan kasii mid ahaanshiyaha kooxda Sky Blues ka waxa uuna la dhacsan yahay qaab ciyaareedka Pep Guardiola, Wakiilka xiddigaan ayaase todobaadkii hore ka dhawaajiyey in De Bruyne uu u qalmo in la siiyo todobaad waliba mushaar lamid ah midka uu qaato Neymar.

“todobaadyada soo socda waxaan la hadli doonaa City waxaana weydiin doonaa qaabkii aan ku hormarin laheyn una dheereynlaheyn heshiiskiisa” Patrick De Koster.

“Mushaarkiisa Hadda Ma sheegi karo, balse hadii aad fiirisid Neymar iyo Kylian Mbappe mushaarka ay ka qaataan PSG ayaad qiyaasi kartaa” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Kevin De Bruyne ayaa u saxiixay kooxda Man City labo gool sidoo kale waxa uu qeyb ku yeeshay 11 kale oo ay dhalisay kooxda uu hogaamiyo Pep Guardiola xilli ciyaareedkaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan