Daniel Ceballos Oo Meel Fiican Uga Soo Baxay Real Madrid Kuna Soo Celiyey Wadada Guulaha (Goosgooska)

0
2720

Laba gool oo uu dhaliyey Daniel Ceballos oo kusoo bilowday kulankiisii ugu horreeyey ciyaaraha horyaalka La Liga isagoo xiran shaarka Real Madrid ayaa ka caawiyey Los Blancos inay wadada guusha kusoo laabato… Waxayna 2-1 uga adkaatay kooxda Deportivo Alaves.

Xiddiga qadka dhexe ee reer Spain Daniel Ceballos ayaa wuxuu goolka hore u dhaliyey kooxda tababare Zinedine Zidane daqiiqadii 10aad.

Si kastaba ha ahaatee, Deportivo Alaves ayaa daqiiqadii 40aad heshay goolkeeda barbardhaca, kaasoo uu u dhaliyey xiddigooda Manu Garcia.

Laakiin Daniel Ceballos ayaa markale daqiiqadii 43aad hogaanka usoo celiyey kooxda difaacaneysa horyaalka La Liga, kuwaasoo guul aan sahlaneyn ka gaaray kooxda Alaves, kuna soo laabatay wadada guulaha.

Boqoradda La Liga ayaa usoo dhaqaaqday kaalinta 4aad ee La Liga iyadoo leh 11 dhibcood… Laakiin Barcelona ayaan weli dheelin kulankeedii Isbuucaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan